Dhaqdhaqaaqyada Madaxbanaanida Warbaahinta Iyo Taageerayaasha Jawhar Maxamed Oo Isugu Soo Baxay Itoobiya

Addis Ababa, (HCTV) – Boqolaal ka mid ah taageerayaasha u dhaqdhaqaaqa qowmiyadaha Itoobiya iyo warbaahinta xorta ah ayaa isugu soo baxay bannaanka guriga Jawhar Maxamed oo ah nin caan ku ah baraha bulshada, maalin ka dib markii ay hareereeyeen ciidamada ammaanka ka dib digniin uu siiyay raysal wasaaraha Ethiopia qaar ka mid ah mulkiilayaasha warbaahinta.

Ugu yaraan 400 oo dhalinyaro ah ayaa ku biiray banaanbaxa ka dhacay guri ku yaal magaalada Addis Ababa, goobjooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidaas yidhi, iyagoo ku dhawaaqaya taageerada ay u hayaan u ololeeyaha Jawar Mohammed, iyo iyagoo ka soo horjeedka Raysal Wasaare Abiy Ahmed, oo dhawaan ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel ee sannadkan.

Jawar, oo heysta baasaboor Maraykan ah, ayaa ah aasaasaha Shabakadda Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Oromada wuxuuna leeyahay saamay dhinaca warbaahinta baraha bulshada, oo leh 1.4 milyan oo taageerayaal Facebook ah.

Laba iyo toban askari oo booliska ka tirsan ayaa hareereeyay guriga habeenkii salaasada, goobjooge ku sugan Addis Ababa uu u sheegay Reuters.

Ma cadda sababta loo hareereeyay guriga Jawar, laakiin mar hore ayuu Raysal Wasaaraha Ethiopia oo ka hadayey Baarlamaanka wuxuu uga digay mulkiilayaasha warbaahinta inay ku kacaan falal rabshado dalka ka dhalin kara.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.