Trump Oo Cunaqabayntii Ka Qaaday Turkiga

USA (HCTV) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu Cunaqabayntii ka qaaday Turkiga.

Trump ayaa sheegay in Dawladdiisu Turkiga ka qaadday Cunaqabaynta, mar haddii uu Turkigu joojiyey hawl-galladii dagaal ee uu ka waday Waqooyi-bari ee Dalka Suuriya, Dagaalkaasi oo Turkigu ku qaaday Dagaalyahannada Kurdiyiinta ee Xulafo la ahaa Maraykanka.

“Cunaqabataymihii waalla qaaday..” ayuu Madaxweyne Trump oo Arbacadii Shalay Saxaafadda kula hadlay Aqalka cad, waxaanu intaa ku daray inuu la hadlay Xogyaha Maaliyadda ee Maraykanka, una sheegay in Turkiga Cunaqabaynta laga qaado, maaddaama buu yidhi uu Turkigu ogolaaday in xabad-joojinta uu ka sameeyay Dagaalkii gudaha Suuriya ee Kurdiyiinta uu ka dhigo mid rasmi ah.

Cunaqabaynta uu Maraykanku ka qaaday Turkiga ayaa waxa qayb ka ahaa mid dhanka Dhaqaalaha ah.

Sidoo kale, waxa Cunaqabaynta ka mid ahayd Xayiraad dhinaca socdaalka ah oo la saaray Wasiirro ka mid ah kuwa Xukuumadda Erdogan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka