Qaahira: Daadad Ka Dhashay Roob Da’ayey 90 Daqiiqo Oo Dilay 11 Qof + Sawirro

Egypt (HCTV) – Dhimasho ay sababeen dhibaatooyin ka dhashay Roobab si xidhiidh ah Maalmihii Salaasadii illaa Arbacadii ka da’ayey Dalka Masar.

Masuuliyiinta Dawladda Masar ayaa sheegaya in illaa 11 Qof ay Shilal Roobabku sababeen u Geeriyoodeen Maalmihii Salaasadii illaa Arbacadii, Illaa xilligana Cimiladu aad u xun tahay.

Afhayeenka Dawladda Masar Nader Saad ayaa sheegay in Qaahira uu ku da’ay Roob Qiyaastiisu tahay 15 millimetres, taasi oo ka dhigan in Roobkii laba jeer ku da’i lahaa uu mar keliya da’ay, taasina keentay Culayska khasaaruhu ka dhashay.

Roobka Qaahira ka da’ay ee Dhibaatadu ka dhalatay ayaa da’ayey Muddo 90 Daqiiqo ah ama Hal Saac iyo Badh, sida Afhayeenku sheegay, biyihii ka dhashayna dhibaato keeneen.

“Qaahira iyo Magaalooyinka kale ee Masar, malaha iliilado Biyaha Roobku maraan, sababtoo ah inta badan Cimiladu waa Qalayl, Roobab dhif iyo naadir ahna Qaahira Roobka u heshaa..” ayuu yidhi, Afhayeenka Xukuumadda Masar.

Sidaasi darteed, ayaa Daadad ka dhashay Roobkaasi ay xaalad khatar ah geliyeen Magaalada Qaahira.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka