Ethiopia: 16 Qof Oo Ku Dhintay Isku Dhaca Booliska Iyo Taageerayaasha Jawhar Maxamed

Addis Ababa, (HCTV) – Dalka Ethiopia waxa ku dhintay 16 qof kadib markii Rabshado ay dhexmareen taageerayaasha Jawhar Maxamed iyo Ciidamada Bileyska, waxaanu maanta oo khamiis ah Jawhar Maxamed uu ku baaqay in xaaladda la dajiyo, isagoo tilmaamay in isku dhacyadaasi Bileyska iyo Taageerayaashiisa lagu dilay 16 Taageere.

Jawhar Maxamed oo u khudbadaynayey boqolaal taageerayaashiisa ah oo isugu soo baxay gurigiisa Addis Ababa ayaa waxa uu yidhi “Fura jidadka xidhan, magaalooyinka ka nadiifiya jid-goynta aad ka samayseen, daweeya kuwa aad ku dhaawacdeen dibadbaxa oo xaaladda dajiya.”

Ciidamada Bileysku waxa ay rasaas iyo sunta dadka ka ilmaysiisa ay ku ridayeen tan iyo Arbacadii shalay iyagoo isku dayaya inay kala eryaan taageerayaasha ka soo horjeeda hanjabaadaha uu dawladda kala kulmayo Jawhar Maxamed.

Ninkan dhalinyarada ah ee Jawhar Maxamed oo leh warbaahinta Oromia Media Network ayaa gacan weyn ka geystay sidii Raysal Wasaare Abiy Axmed uu talada dalkaasi ku fuuli lahaa sanadkii la soo dhaafay.

Halka Raysal Wasaare Abiy Axmed uu caalamku ku bogaadiyey isbadalka siyaasadeed uu dalkiisa ka sameeyey iyadoo tobanaan sanadood uu xukuno cadaadis ku dhisan ay dalkaasi ka jireen, aakhirkiina uu ku guulaystay abaalmarinta Nabada Adduunka ee Nobel Peace Prize kadib markii uu dedaalo balaadhan uu ka sameeyey dhinaca xalinta colaadii dalkiisa iyo Eritrea mudada dheer ka dhaxaysay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.