Booliska UK Oo Sheegay In 39 Mayd Ee Laga Helay Gaadhiga Dhamaantood Ay Chinese Yihiin

London, (HCTV) – Ciidamada Booliska ee dalka UK ayaa sheegay in dhamaan dadkii gaadhiga weyn lagu soo qariyey ay dhalashadoodu tahay Chinese.

Waxaanay Bileysku intaa ku dareen in dadkaasi ka yimaadeen dalka Belguim-ka, isla markaana dhimashadooda ay sababtay markii ay gudaha gaadhigaasi ay ku barafoobeen.

“Waxaanu cadaynaynaa in sideed ka mid ah 39-kaasi qof ay ahaayeen haween, halka 31-ka kalena ay ahaayeen rag, la rumaysan yahay inay dhalashadoodu tahay Shiine,’ sidaasi waxa ay bileyska Britain ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo saareen maanta oo Khamiis ah.

Sidoo kale Wasiirka arimaha dibada ee dalka Shiinaha ayaa isaguna warkaasi xaqiijiyey sida uu u sheegay warbaahinta the Global Times.

Waxaana ilaa iyo hadda dhimashada dadkaasi u xidhan nin dhalinyaro 25 jir ah oo dirawal ka ahaa gaadhiga dadkaasi lagu soo qariyey ee ay ku dhinteen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.