Shirkii Ruushka & Afrika Oo Furmay Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeediyey

Sochi, (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Ruushka iyo dalalka Afrika oo ka furmay magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Khuadbadan Madaxweynaha Soomaaliya uu jeediyey ayuu kaga hadlay muhiimadda iskaashiga dalalka Afrika iyo Ruushka oo uu sheegay inuu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, isagoo xusay tiirarka ay tahay in uu ku saleysnaado xidhiidh kasta oo iskaashi oo Qaaradda Afrika ay la yeelanayso dalalka Caalamka ee awooda lihi.

“Shirweynahani waa fursad dhab ah oo dib loogu eegi karo, laguna sii horumarin karo cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay Afrika la leedahay Ruushka iyada oo loo marayo iskaashi iyo wadashaqayn si loo gaaro horumar iyo barwaaqo loo dhan yahay’’.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Ruushka, mashaariicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ahaa iyo sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u soo nooleynta xiriirkaas.

“Soomaaliya waxay doonaysaa in ay xoojiso xiriirka laba-geesoodka ah ee ay la leedahay Ruushka iyo inay la shaqayso Midowga Afrika si loo hubiyo in guul laga soo hooyo xiriirka labadeenna dhinac ee la xiriira dhammaan dhinacyada kala duwan”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uga mahadceliyey dhiggiisa dalka  Ruushka Mudane Vladimir Putin, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka  dalkaas soodhaweynta diirran iyo martiqaadka sare ee ay ku qaabileen  isaga iyo wafdigiisa ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso  qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay madashan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.