Booliska Ciraaq Oo Rasaas U Adeegsaday Dibadbaxayaal Dawladda Ka Soo Horjeeda

Baqdaad, (HCTV) – Dibadbaxyo lagaga soo horjeedo dawladda dalka Ciraaq ayaa ka sii socda magaalada caasimada u ah dalkaasi ee Baqdaad, iyo dhawr magaalo oo kale oo dalka oo dhan ah.

Ciidamada Booliska ayaa maanta oo Jimce ah kumanaan dibadbaxayaal ah oo isugu soo baxay magaaada Baqdaad u adeegsaday rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmaysiis, halka ugu yaraan laba qof lagu dilay dibadbaxaasi, in ka badan 200-na ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada amaanka ayaa la soo dhoobay wadooyinka Caasimada tan iyo maalintii shalay si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha ay isku soo saartay xaaladd dhaqaale, waxaanay dibadbaxyadu ay dalkaasi ka bilaabmeen horaantii bishan October iyagoo dibadbaxyaashu ay xoog iyo rasaas nool ay kala kulmeen ciidamada amaanka ee dalkaasi.

Dadka Isku soo baxa dhigaya ayaa ugu baaqaya dawladda dalkaasi Ciraaq inay wax ka qabato Shaqo la’aanta heerka sare gaadhay ee ka jirta dalkaasi , sidoo kale dadweynaha Ciraaq ayaa ka cabanaya adeegyada bulshada oo aad u hooseeya iyo musuqmaasuq badan oo dalka ka jira.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.