Puntland: Duqayn Dhinaca Cirka Ah Oo Lagu Dilay 3 Qof Oo Looga Shakisan Yahay Daacish

Washington/Boosaaso, (HCTV) – Weerar dhinaca cirka ah oo looga shakisan yahay in Maraykanku uu qaaday ayaa ka dhacay deegaanka Camayra oo 150 kilometer koonfur kaga beegan Boosaaso.

Weerarkan dhacay maanta oo Jimce ah ayaa wararka laga helayo deegaankaasi ay sheegayaan in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee drone-ka loo yaqaano ay bartilmaameedsatay saddex nin oo deegaankaasi marayey, waxaanay dad goobjoogayaal ahi ay sheegeen in diyaaradaasi ay afar gantaal ay ku riday ragaasi.

Waxaanay dadka deegaankaasi ku sugnaa ay warbaahinta u sheegeen inay maqleen gantaalada diyaaradaasi ay riday iyo diyaarad ku dul wareegaysa buuraha deegaankaasi.

Saraakiisha amaanka ee maamul goboleedka Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey warkaasi balse waxay ka gaabsadeen inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan duqayntaasi oo ilaa hada ay ku jiraan maclumaad ururin.

Balse ilaa iyo hadda ma cada cida weerarka qaaday iyo bartilmaameedka rasmiga ahi cida uu ahaa. Inkastoo weerar dhinaca cirka ah oo sanadkan ay qaaday diyaaradaha Maraykanku ay duqayn ku dileen Cabdixakiim Dhuqub oo ahaa hogaamiye ku xigeenka kooxda Daacish ee ku sugan deegaamada Puntland ee Somalia.

Waxaanu Taliska Afrika ee Milatariga Maraykanku ay sheegeen in weeraradaasi dhinaca cirka ah ee ay qaadaan ama ka fuliyaan Somalia ay yihiin kuwo ay ku taageerayaan ciidamada amaanka ee dawadda Somalia iyo in aanay kooxahaasi ku kobcin dalka Somalia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.