Madaxweynaha Oo Fagaare Kula Hadlay Maamulka Dawladda Hoose Ee Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa si kooban uga hadlay Cabashooyinka Dadweynuhu ka qabaan Maamulka Dawladda Hoose ee Hargeysa, cabashooyinkaasi oo la xidhiidha dhinacyada Adeegyada Bulshada oo aad loogu cannaanto inay ka gaabiyeen.

Madaxweynaha Somaliland oo Maanta hadal ka jeediyey Munaasibad uu ku dhagax-dhigay Hoyga Kaydka Taariikhda Somaliland oo laga dhisayo halkii hore ee Khayriyada Hargeysa, ayaa isagoo si toos ah ula hadlaya Madaxda dawladda hoose oo ay Markaa Madasha ka joogeen Maayarka iyo Maayar ku-xigeenku wuxuu Madaxweynuhu sheegay in Dadweynuhu ku eedeeyaan inuu soo dhawaysto Maamulka dawladda Hoose ee Hargeysa, xilli buu yidhi waxqabad lagaga cabanayo, labadaasina aanay is qabanayn, sidaasi darteed Dawladda Hoose looga baahan yahay waxqabad.

Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dawladda Hoose ee halkan joogta waxaan doonayaa inaan ka halkan ka faro, dedaal badan baa la idiinka baahan yahay, Waayo? waxa la igu maagaa Dawladda Hoose  Sawir uun baad ku wada jirtaan, dadkuna way ka cabanayaane labadaas isku heli maysaan, haddaydaan magaalada waxba ka qabanayn….”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka