42 Qof Oo Ku Dhintay Mudaharaaddo Soo Laba-kacleeyay Oo Illaa Jimcihii Ka Socday Ciraaq

Baqdaad (HCTV) – Ciidammada Amniga ee Dawladda Ciraaq ayaa Qiiqa Dadka kaga ilmaysiiya ku riday Mudaharaadeyaal iskugu soo baxay Badhtamaha Magaalada Baqdaad, inta aanay Dibed-baxayaashu soo gaadhin xarunta Baarlamaanka oo loo qorsheeyay in lagu qabto kulan aan caadi ahayn oo lagaga hadlayo Sababta uu u soo laabtay Mudaharaadkan oo Toddobaad ka hor joogsaday.

Ciidammada Booliska oo dedaalay ayaa Mudaharaadeyaasha soo laba-kacleeyay kala dareeriyey, xilli ay dhufaysyo ay Booliska kaga gabadaan ka samaysteen Fagaaraha Baqdaad Sabtidii Maanta.

Mudaharaadeyaasha kacdoonkooda soo cusboonaysiiyey ayaa dalbanaya inay is Casisho Xukuumadda uu hoggaamiyo Raysal-wasaare Adel Abdul Mahdi, iyagoo ku eedaynaya Musuqmaasuq baahsan, Shaqo la’aan iyo Adeegyada Hay’adaha dawladda Ciraaq oo liita.

Laakiin, Telefiishanka Al-jazeera oo Horn Cable Tv uu Warkan ka soo xigtay ayaa sheegaya in Mudahaaraaddadan oo Jimcihii dib uga bilaabmay Magaalooyin ay Baqdaad ka mid tahay ay ku dhinteen 42 qof

Weriyaha Al Jazeera ee Baqdaad Natasha Ghoneim oo ku sugan Goobta Mudaraadku ka dhacay ayaa sheegtay in Mudaharaadeyaasha qaarkood isku dayeen inay fuulaan Dhagaxaanta ama Kaabadaha Difaaca Argagixisada ee ku teedsan Deegaanka Cagaaran ee Xarumaha Dawladdu ku yaallaan, si ay gudaha ugu galaan Xarumaha dawladda, laakiin ay Ciidammada Amnigu kaga hor-tagayaan oo ay ku ridayaan Sunta Dadka kaga ilmaysiisa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka