Maraykanka Oo Suuriya Ka Qaatay 50 Tan Oo Dahab Ah (Akhri)

Suuriya (HCTV) – Ciidammada Maraykanka ayaa  Dahab lagu qiyaasay illaa 50 Tan ka rartay Gudaha Dalka Suuriya, gaar ahaan deegaannadii ay ka qabsadeen Kooxda Daacish.

Sidaana waxa xaqiijiyey ilo-wareedyo kala duwan oo Ciidammada Maraykanka ah, sida uu Sabtida Maanta baahiyey Wargeyska Daily Sabah oo ka soo baxda Dalka Turkiga.

Wargeyska Daily Sabah ayaa isagoo soo xiganaya Wakaaladda Wararka ee Kurdiyiinta ee Bas, wuxuu sheegay in Ciidammada Maraykanku ay illaa 50 Tan oo Dahab ah ka rareen deegaan ay ka qabsadeen Kooxda  Argagixisada ah ee Daacish, halkaasi oo ku taalla Bariga Gobolka Deir el-Zour ee Dalka Suuriya.

Warku wuxuu intaa ku daray in Dahabka halkaa ku hadhay ay Ciidammada Maraykanku siiyeen Ciidammada PKK ee Kurdiyiinta.

Si kastaba ha ahaatee, Sidoo kale 40 Tan oo Dahab ah oo Daacish hore uga xadday Mosul oo Ciraaq ah ayaa waxa qaatay Ciidammada Maraykanka, sida uu Qoray Wargeyska Daily Sabah.

Ilo-wareedyo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Dawladda Suuriya ee Magaceedu yahay SANA ayaa iyaguna xajiiyey Warka sheegaya in Sanaaduuq Dahab ka buuxo oo uu ka qaaday Gobolka al-Dashisheh, una wareejiyey meel kale.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka