Madaxweynaha Puntland Oo Sheegay In Maamulkiisu %99 La Wareegay Sanaag-bari & Buuhoodle

Garoowe (HCTV) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa sheegay in markii uu xilka ka qabtay uu Maamulkiisu boqolkiiba inta badan la wareegay Maamulidda Bariga Gobolka Sanaag iyo Buuhoodle.

Madaxweyne Deni oo Maanta hor-tagay Golaha Wakiillada isla-markaana ka jawaabay su’aalo ay Xildhibaannadu waydiiyeen ayaa sheegay in Maamulkiisu wax badan qabtay muddadii koobnayd ee uu xilka hayey, waxbqabadyadaana ay ka mid tahay in Maamulkiisu si wanaagsan uga dhaqan-galay Buuhoodle.

Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Muddadii aan xilka haynay, dhulka Sanaag waxa Gacanta Puntland soo gashay %99 ka mid ah, marka laga reebo Yubbe iyo inyar oo la mid ah. Waxa Maanta Wasaaradihii Puntland oo dhami joogaan Magaalada Buuhoodle oo markii aanu Xilka Nimid uu khalkhal amni ka jiray iyo Gacan ku haynta Dawladda oo maqnayd..”

Sanaag-bari iyo Buuhoodle ayaa waxay Juquraafi ahaan ku jiraan khariiradda Somaliland, laakiin waxa Mulkiyaddooda sheegata Puntland oo ka mid ah Soomaaliya.

Somaliland iyo Soomaaliya oo Puntland ka mid tahay ayaa leh Xuduud Caalami ah.