Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Ka Digay Rabshado Sababay Dhimashada 67 Ruux

Addis Ababa (HCTV) – Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka digay qalalaase ay horseedaan Rabshado Qoomiyado ku salaysan, waxaanu ku baaqay in sharciga la mariyo kuwa masuulka ka ah Kacdoonadii u dambeeyay oo galaaftay nolosha 67 Qof.

Raysal-wasaaraha oo ka hadlayey kacdoono kuwii u dambeeyay Toddobaadkii tagay ka dhaceen Magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in haddii Itoobiyaanku aanay midoobin ay kacdoonadan xallintoodu mustaqbalka adkaan doonto.

“Kacdoonnada aynu waajahaynaa waxay keenayaan Cabsi iyo Adayg, haddii Itoobiyaanku aanay midoobin..” ayuu Raysal-wasaaraha Itoobiya oo Qoraal soo saaray Sabtidii Shalay, qoraalkaasi oo noqonaya kii koowaad ee uu soo saaray tan iyo intii ay bilaabmeen Kacdoon ay wadaan boqollaal Qoomiyadda Oromada ah oo taageersan Jawaar Maxamed oo ka mid ah Dadkii hoggaaminayey Kacdoonnadii Oromada ee Itoobiya ka dhacay, kuwaasi oo aakhirkii sababay in Xukuumadda Raysal-wasaare Abiy Talada qabato, xukuumaddii Haile Mariam-na is casisho.

Kacdoonka ka socda Addis Ababa ayaa lagaga soo horjeedaa Raysal-wasaare Abiy oo Sannadkan ku guulaystay Abaal-marinta Nabadda Adduunka, waxaana Dibed-baxayaasha qaarkood dab qabadsiiyeen buug uu qoray Raysal-wasaaruhu.

Kacdoonnada ayaa bilaabmay markii Jawaar Maxamed oo Qoomiyadda Oromada ka mid ahi uu sheegay in Dawladdu ay ilaaladiisii ku amartay inay isaga tagaan, isagoo sheegay in Dawladdu ugu talo-gashay in la dilo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka