“Meel Gobolka Sanaag Ka Mid Ah Oo Puntland Xafiis Ku Leeyahay Ma Jirto..” Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo Shalay hor tagay Golaha Wakiillada Maamulkiisa ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay boqolkiiba inta badan gacanta ku hayso Gobolka Sanaag oo ay Mulkiyaddiisa ku muransan yihiin Somaliland.

Laakiin, Wasiirka Wasaaradda Somaliland Cabdirisaaq Cali Cabdi (Saalax) oo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Sanaag, ayaa isagoo daba socda hadalka Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu hadalka uu ku sheegay in Maamulkiisu qabsaday inta badan Sanaag uu ahaa hadal uu isaga furfurayey Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland oo doonayey inay Maamuus ka xayuubin ku sameeyaan.

Wasiirka Cadaaladda Somaliland oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Nin Oday ah oo Xildhibaannadiisii Maamuus ka xayuubin saarayaan oo Raba inuu isaga fur-furo ayaan Anigu u arkay (Hadalka Madaxweyne Deni)..”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Soomaalidu iska wada war qabto, sidaasi darteedna aanay jirin Hal Xafiis oo Puntland ku leedahay Sanaag “Waynu iska wada War qabnaaye Gobolka Sanaag meel ka mid ah oo Maamulka Puntland Xafiis ku leeyahay ma jirto..” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka