Trump Oo Xaqiijiyey In Hoggaamiyihii DAACISH Is-qarxiyey Oo Uu Dhintay

Suuriya (HCTV) – Madaxweynaha Maraykanka, Doland Trump ayaa xaqiijiyey Hawl-gal Ciidammada Maraykanka ee Suuriya ka sameeyeen Gobolka Idlib uu ku dhintay Hoggaamiyihii Kooxda Daacish,.

Trump ayaa sheegay in intii Ciidammada Maraykanku wadeen hawl-galka uu is-qarxiyey Hoggaamiyihii Daacish, sidaana uu ku dhintay oo uu isagu Naftiisii dilay.

Trump ayaa sheegay in Abu Bakar Al-baqdaadi ay la dhinteen Saddex Carruur ah oo uu dhalay, sidoo kalena ay hawl-galka oo duqayn ahaa ay ku dhinteen Dad badan oo kale.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidan ku sheegay Shir-jaraa’id oo uu goor dhawayd ku qabtay Aqalka Cad ee Maraykanka.

Ma jiraan Ciidamo Maraykan ah oo ku dhaawacmay hawl-galkan, sida uu sheegay Madaxweyne Trump.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka