Wariye Maalintii 2aad Si Sharci Daro Ah Ugu Xidhan Saylac

Hargeysa, (HCTV) – Wariye Maxamed Cawaale Daahir oo telefishanka HCTV uga soo warama magaalada gobolka Selel ayaa xabsiga loo taxaabay, iyadoo aan loo keenin wax waaran ah, isla markaana aan loo sheegin wax sabab ah oo ku saabsan xadhigiisa.

Wararka la xidhiidha xadhiga wariyaha ayaa sheegaya inay dalbadeen xadhigiisa Wasiiro ku sugan gobolka Selel gaar ahaana xarunta Saylac, iyagoo aan sheegin sababta xoriyada looga qaaday Wariyaha balse waxa ay ciidamada ka dalbadeen in wariyahaasi la xidho .

Gudoomiyaha gobolka Selel, Mawliid Maxamed oo HCTV la xidhiidhay ayaan cadaynin sababta Wasiiradu ay u dalbadeen xadhiga Wariye Maxamed Cawaale Daahir.

Maamulka Telefishanka HCTV gaar ahaana Agaasime Maxamed Cabdi Ilig ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dawladda inay xoriyadiisa usoo caliyaan Wariye Maxamed Cawaale Daahir oo ay xabsiga ka sii daayaan, waxaanu Agaasimaha HCTV uu cambaareeyey xadhiga Wariyaha ee sabab la’aanta xabsiga loogu hayo maalintii labaad iyadoo aanay jirin wax dambi ah oo uu galay iyo sabab loo xidhay toona.

Agaasime Maxamed Cabdi Ilig waxa uu ku tilmaamay xadhiga Wariyahaasi inay baalmarsan tahay xeerka Saxaafada Somaliland (Xeer Lr. 27/2004) iyo xuquuqda aadanaha iyo in wariye aan dambi galin uu sarkaal dawladeed uu dalbado in xabsiga loogu hayo sabab la’aan iyadoo aanay Maxkamaddi xukumin.

Talaabadan lagula kacay Wariye Maxamed Cawaale Daahir ayaa ka mid ah gafka lagu hayo wariyeyaasha ka hawlgala Somaliland ee aan waxba galabsan.

Dhawaan ayay ahayd markii saddex wariye ay cabsi awgeed uga carareen Somaliland, kuwaas oo ka dagay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia, iyagoo cabasho ka muujiyey masuul dawladda ka tirsani inuu bartilmaameedsaday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.