Dablay Hubaysan Oo Weeraray Saldhig Boolis Oo Ku Yaalla Boorama

Borama (HCTV) – Dablay hubaysan ayaa Subaxdii hore  ee Saaka Weerar ku qaaday Saldhigga dhexe ee Booliska ee Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Kooxda Weerarka geyasatay ayaa Rasaas ku furay Saldhigga, waxayna iska caabbin kala kulmeen Ciidankii halkaa ku sugnaa.

illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay Weerarka lagu qaaday Saldhigga dhexe ee Magaalada Boorama, lamana oga Cidda ay yihiin Dablayda hubaysan ee Weerarka qaadday, laakiin Suldaan Waber oo hore Gobolka Awdal uga aasaasay Jabhad ayaa goor dambe oo Maanta ah sheegay in dablayda weerarka geysatay isaga ka amar qaataan.

La soco Warkan oo Faahfaahsan

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka