Xukun Lala Doonayo Nin Jabhaddiisu 100 Haween Ah U Afduubtay Inay Kufsadaan (Akhri)

Congo (HCTV) – Xeer-ilaaliyaha Millateriga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa Isniintii Shalay codsaday in Xabsi daa’in lagu xukumo Qab-qable Dagaal oo uu ku eedeeyay inuu masuul ka ahaa Kufsi loo geystay Dad badan oo ay ku jiraan Carruur.

Kiiska Kufsiga boqollaalka Qof ee Dumarka iyo Carruurta ah ayaa waxa ku eedaysan inay masuul ka ahaayeen Frederic Masudi Alimasi oo loo yaqaano (Kokodikoko) iyo laba Nin oo kale, sida uu qoray Wargeyska Daily Nation.

Frederic Masudi Alimasi oo qab-qable dagaal ah iyo labada Nin ee kale ayaa lagu eedeeyay inay masuul ka ahaayeen Tacadiyo ay ka mid yihiin Kufsi, Jidh-dil iyo Qudh-goys ama Dil, Xadhig iyo inay Dad u haysteen Inay u galmoodaan ama waxa loo yaqaano Addoonsi Galmo, sida uu sheegay Xeer-ilaaliyaha ciidammada Millateriga Congo, Major Apollinaire Yoma Mukoko.

Kokodikoko ayaa ah hoggaamiyaha Jabhadda Raia Mutomboki iyo Mwilo Katindi iyo Samitamba Makese Raphael oo kooxdaa ka mid ah ayaa Dacwaddoodu socotay illaa badhtmihii bishii September, 2019.

Jabhadda Raia Mutombokia ayaa lagu eedeeyay inay dhibaatooyin Kufsi ka mid yahay u geysteen 300 Qof oo Caruur ku jirto, falalkaasina ka dhaceen Tuulooyin ku yaalla Koonfurta Congo, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Mwenga iyo  Shabunda, sida uu sheegay Xeer ilaaliyaha Ciidanku

Jabhadda uu hoggaamiyo Kokodikoko ayaa waxa kale oo lagu eedeeyay inay xilli habeennimo ah weerarreen Tuulada Kabikokole, Bishii February 8, 2018, ka dibna mar keliya afduubeen 100 Haween ah si ay u kufsadaan, iyagoo Askarta Jabhaddu isku daba maraya Haweenka “Waxay Afduubeen in ka badan 100 Haween ah, si ay kufsadaan oo ay isku daba maraan..” ayuu yidhi, Denis Mukwege oo caawinta Dumarka kufsiga ka soo kabanaya ku qaatay Abaal-marinta Nobel Peace Prize, sannadkii hore, kaasi oo ka hadlay Kiiska loo haysto Saddexda nin ee ay Warkooda xagga sare ku sheegnay.

 

Cabdiqaadir A. Carab

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka