Degdeg: Raysal Wasaaraha Lubnaan Oo Dibadbaxyo Darteed Isku-casilay

Beirut, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Dalka Lubnaan, Sacad Xariiri ayaa ku dhawaaqay inuu Madaxweynaha dalkaasi Michel Aoun uu u gudbiyey Is-casilaadiisa, kadib dibadbaxyo balaadhan oo dalkaasi ka socday todobaadyadii u dambeeyey.

Dhawaaqan maanta oo Salaasa ah ka soo yeedhay Raysal Wasaaraha dalka Lubnaan ayaa imanaya 13 maalmood oo dibadbaxyo balaadhan oo lagaga soo horjeedo xukuumadiisu ay ka dhacayaan dalka Lubnaan.

“Waxa aynu gaadhnay xiligii dhamaadka, oo aynu doonayno in si wadajir ah ayunu dhibaatada usoo afjarno,” ayuu yidhi Mr Xariiri oo war-saxaafadeed uu soo saaray lagu baahiyey Telefishanka.

“Waxaan ku wajahanahay Qasriga Madaxtooyada si aan ugu gudbiyo inaan iska casilay dawlada ….. tanina waxa ay jawaab u tahay doonista iyo dalabka kumanaanka Lubnaaniiska ah ee dalbanaya isbadalka,” ayuu yidhi Raysal Wasaaraha xilka iska casilay ee dalka Lubnaan.

Dadweynaha dalkaasi aya si weyn uga dibadbaxayaan Musuqmaasuqa masuuliyiinta dawladda oo xadhkaha goostay, Adeegyada bulshada oo hooseeya iyo dhaqaalaha dalkaasi oo maamul xumo balaadhani ay ragaadisay, waxaanay arimahaasi darteed ay todobaadyadii la soo dhaafay ay dibadbaxyo gilgilay dalkaasi ku dalbanayeen isbadal dalka Lubnaan ka dhaca oo wax ka badala xaaladda uu ku jiro wakhti xaadirkan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.