Wasiirka Warfaafinta Iyo Madaxa Xafiiska UK Ee Hargeysa Oo Ka Wadahadlay Madaxbanaanida Saxaafada

Hargeysa, (HCTV) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa xafiiska dalka UK ee Hargeysa, Stuart Brown.

Kulankan labada dhinac dhexmaray ayaa lagaga hadlay sidii loogu camal fali lahaa Xeerka Saxaafada, Madaxbanaanida Warbaahinta iyo Arimo kale, sida lagu sheegay qoraal kooban iyo sawiro la soo dhigay barta Wasaarada Warfaafintu ay ku leedahay twitter-ka.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay telefishanada Somaliland ka hawlgala, kuwaas oo isla soo qaaday arimo ay ka mid yihiin sidii loo wadashaqayn lahaa.

Kulankan Wasiirka Warfaafinta Somaliland uu la yeeshay Madaxa Xafiiska UK ee Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili cabasho badan ay ka jirto xadhig Xukuumada iyo Bileysku ay kula kacayaan Wariyeyaasha iyadoo aan loo soo marin qabashadooda Maxkamad iyo waaran la’aan.

Todobaadkan ayay ahayd markii la xidhay Wariyaha HCTV uga soo warama Magaalada Saylac, halka saddex Suxufi oo kale ay cabsi awgeed uga carareen Somaliland, kuwaas oo ka dagay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia, iyagoo cabasho ka muujiyey masuul dawladda ka tirsani inuu bartilmaameedsaday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.