Dibed-baxayaashii Reer Lubnaan Oo Ku Guulaystay Hadafkoodii

Lubnaan (HCTV) – Dabbaal-degga ayaa is-qabsaday Magaalooyinka dalka Lubnaan Salaasadii Shalay, ka dib markii uu iscasilay Raysal-wasaarihii Dalkaasi Saad Hariri.

Dad qaarkood Farxad la ooyayaan ayaa isugu soo baxay Jidadka Magaalooyinka Lubnaan, ka dib markii Raysal-wasaare Xariiri uu isku casilay Dalabkii Dadkii Bishii u dambaysay Dibedyada ka waday Magaalooyinka Dalkaasi.

Iscasilaadda Raysal-wasaaraha ayaa ka dhigan inay dhacday Xukuumaddii ka ariminaysay Dalka Lubnaan, haddana Dadka Mudaharadayaashu waxay doonayaan inay sii wadaan Dibed-baxa oo ay sii joogaan Jidadka Bayruut “Way wanaagsan tahay oo waa Tallaabadii koowaad (Iscasilaadda Raysal-wasaaruhu), laakiin illaa hadda waxaanu doonaynaa inaanu sii joogno waddooyinka..” ayuu yidhi,  

Pierre Mouzannar oo 21 Jir la hadlay Telefiishanka Al-jazeera “Waayo? Al-hariiri qayb ayuun buu ka yahay dhibaatada Lubnaan, laakiin dhibaatadu jirta isaga uun ma ahayn..”

Inkasta Dadka qaarkood doonayaan inay sii wadaan Mudaharaadka, haddana Saaka waxa Ciidammada amnigu bilaabeen inay Nadiifiyaan Jidadkii uu Muddada dheer dibed-buxu ka socday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka