Lebanon: Ciidamada Oo Bilaabay Inay Nadiifiyaan Wadooyinka Kadib Iscasilaadii Xariiri

Beirut, (HCTV) – Ciidamada Amaanka ee dalka Lebanon ayaa bilaabay inay nadiifiyaan jidadka saacado ka dib markii Milatariga dalka Lebanon ay soo saareen dhawaaq si toos ah ugu socda dibadbaxayaasha oo ku boorinaya inay baneeyaan goobaha waaweyn si ay noloshu caadi ugu soo noqoto.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Ciidamada dalkaasi maanta oo Arbaca ah ayaa imanaya ka dib markii maalintii shalay uu iscasilaadiisa ku dhawaaqay Raysal Wasaaraha dalkaasi Sacad Xariiri iyo saacado ka hor khudbad u qorshaysan inuu dadka dalkaasi u jeediyo Madaxweyne Michel Aoun.

Hase yeeshee Madaxweyne Aoun ayaan ilaa iyo hadda aqbain iscasilaada Hariiri, ilaa iyo hadana ma jiraan xal degdeg ah oo ku wajahan dhibaatada siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalkaasi ka taagan, inkastoo looga digay saaxiibada Lubnaan inay dalkaasi u socdaalaan.

Istiqaaladan uu bixiyey Mr Hariri maalintii Salaasadii shalay ayaa timid kadib markii shacabka dalkaasi ay 13 maalmood oo xidhiidh ah ay ku dibadbaxayeen wadooyinka dalkaasi iyagoo dalbanaya in isbadal laga sameeyo dalkaasi oo wax ka qabta xaaladaha musuqmaasuqa saraakiisha dawladda iyo maamul xumada haysata dhaqaalaha dalkaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.