Maqaal: Warqad Furan Oo Ku Socota Macallinka Ka Cabanaya In Dhul Laga Qaaday, Dowladda Hoose Ee Hargeysa & Xil. Nac-nac

“Ilma Biixi dhulka ku waayi maayaan Madaxweynaha ayaad isku hayb tihiin, macallinkuna dhul ku heli maayo qoyska Madaxweynaha ayaa dhul igu haysta, labaduna…”

Waxa maalmihii ugu dambeeyey aad iyo aad loo hadal hayay sheekada ku saabsan dhul uu nin macallin ah ka dhisanayey Caasimadda Hargeysa, gaar ahaan Waaxda Ibraahim Kood-buur oo laga joojiyay,  iyadoo halka uu macallinku guriga ka dhisanayey uu ku yaal dhul ay leeyihiin Ilma Biixi Cabdi oo ah dhul dhaxal ah oo ay wada leeyihiin qoyska Madaxweynaha Somaliland, waxaannu macallinku ku doodayaa in dhulkaas laga iibiyey.

Haddaba, ilaa imminka dhinaca Macallinka ayuun baa saxaafadda iyo warbaahinta la hadlay oo cabashadooda soo bandhigay, laakiin weli dhinaca qoyska Madaxweynuhu wax hadal ah oo ay saxaafadda mariyeen ma jiro. Haddaba marka arrinku halkaas marayo, waxa aad mooddaa in la siyaasadeeyey arrinkii dhulka ee labada dhinaca ka dhexeeyey oo laga dhigay in dad masaakiin ah la dhacayo oo dawladdu dhacayso, arrinkuna sidaa maaha.

MACALLINKU MUXUU KA YIDHI ARRINKA:- Waxaan doonayaa in aan halkan idinku soo gudbiyo hadalkii ninka macallinka ahi (Maxamed-Soomaali) uu saxaafadda u soo gudbiyay, waxaannu yidhi; “Waxa la iga joojiyay dhul aan guri ka dhisannayay, dhulkaas oo sharciyaddiisu dhan tahay, waxaana iga joojiyay Dowladda hoose ee Hargeysa, gaar ahaan maayirka, sababta la iga joojiyay waxa weeye dhulka oo ay sheeganayaan Qoyska Ilma Biixi Cabdi. Waxa uu hadal na dhexmaray innan uu Madaxweynuhu abti u yahay, (waa Agaasime Ciise Maxamuud Ciise), kadibna waxa uu ii sheegay inay iyagu dhulka leeyihiin oo awoowgii  Biixi Cabdi uga dhintay oo dhul dhaxal ah uu yahay, muddo ka dib ayaa waxa ii yimid inanka uu Madaxweynuhu abtiga u yahay iyo wiil uu dhalay Madaxweynuhu, ka dib waan is garannay oo ardaydii aan macallinka u ahaan jiray ayay noqdeen, ka dib si ixtiraam leh ayey iila hadleen oo baabuur meesha taagnaa oo V8 ah ayaan soo fuulay oo maayirka magaalada Hargeysa ayaa gaadhiga saarnaa, ka dib waxay igu yidhaahdeen; ‘arrinka waan dhammaynaynaa ee is deji.”

Horta hadalka macallinku sidaas ayuu ahaa, laakiin sida hadalkiisa ka muuqata haddii innamadii uu macallinka u ahaan jiray iyo maayarkii magaaladuba ay ku yidhaahdeen arrinkaas waan dhammaynaynaa ee aniga naga war sug, may ahayn in macallinku uu saxaafadda soo mariyo hadallo isugu jira aflagaado iyo ceebayn uu u jeediyey qoyska Madaxweynaha iyo maayirka Hargeysa, inamada uu macallinka u ahaa ee ixtirimaamay sida uu sheegay isagu macallinku ma ixtriraamin inamadii, markaa arrinkaasi waa gef ka dhacay macallinka ee waxaan leenahay macallinka xaal iyo raaligalin ka bixi arrinkaas aad samaysay ee aad warbaahinta marisay.

Markaa anigu waxa aan leeyahay; “Ilma Biixi dhulka ku waayi maayaan Madaxweynaha ayaad isku hayb tihiin, macallinkuna dhul ku heli maayo qoyska Madaxweynaha ayaa dhul igu haysta, labaduna waxay ku kala baxayaan sharciga dalka iyo Maxkamadaha Somaliland.”

DAWLADDA HOOSE EE HAYGEYSI MAXAY KA TIDHI ARRINKA:- Xildhibaan Xasan-Shahar oo ka mid ah Golaha Degaanka Hargeysa oo u hadlay Dowladda Hoose ee Hargeysa waxa uu sheegay isagoo ka hadlaya dhulkan lagu muran yahay, in dhulkani uu xayirnaa Ilaa sannadkii 2004-kii oo Maxkamadda Jamhuuriyadda Somaliland ay xayirtay, isla-markaana uu ahaa dhul loo xayiray Ilma Biixi Cabdi, isla-markaana ay dowladda hoose Hargeysa ka rartay dad danyar ah oo dhulkaas si sharci-darro ah u degay toddobaadyadii uu dambeeyey.

Marka uu arrinku halkaas taagan yahay, macallinkuna waxa uu sheegay in dowladda hoose ee Hargeysa, gaar ahaan Degmada Ibraahim Kood-buur ay u sharciyayeen dhulka, isla-markaana ay siiyeen sharcigii dhulka loogu fasaxay ee uu  ku bilaabay dhismaha macallinku.

Marka aad labadaas hadal is barbar-dhigto, waxa kuu soo baxayaa in Dawladda hoose ee Hargeysa ay qayb ka tahay muranka dhulkan oo iyadu ay tahay cidda sababtay muranka dhulkan, markaa dawladda hoose ee Hargeysa waxaan u soo jeedin lahaa in arrimaha dhulka ee muranka badan dhaliyay ay xalliyaan oo iyagu dib isugu noqdaan oo aanay marna Madaxweynaha sawir la soo galin, marna dhulka Ilma Biixi Cabdi ee dhaxalka ay aanay sharciyadu been ah u samayn oo shacabka aanay muransiin.

ARRINKA XILDHIBAAN NACNAC:- Waxa aan warbaahinta ku arkayay maalmihii uu dambeeyey Xildhibaan Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland oo deeq raashin ah gaadhsiiyay qoysaska dan-yarta ah ee Dawladda hoose ka rartay dhulka lagu muran sanyahay. Waxa aad mooddaa in Xildhibaanku lacagtii reer Axmed-dhagax iska uruririyeen ee waddada Balli-gubadle ku dhisayeen uu u adeegsanayo olole dad kicin ah, markaas xildhibaanka waxaan leenahay lacagta reer Balli-gubadle kuu dhiibteen ee ay waddada ku dhisayaan olole siyaasi ah ha u isticmaalin ee u daa’ dadka hantidooda ay kugu aamineen.

Waxa kale oo aan dowladda u soo jeedinaynaa, gaar ahaan Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland in uu ka qayb-qaato dhismaha waddada Balli-gubadle oo ah waddo muhiim ah dhinaca dhaqaalaha waddanka iyo wax-soo-saarka.

GEBOGEBO:- Waxa dhacdo ugub ah noqotay oo innagu cusub in dadkii sharafka iyo karaamada innaga mudnaa ee waddanka taariikhda ku lahaa ee qaar Madaxweynayaal ka soo noqdeen in hantidoodii iyo dhulkoodii lagu qabsado oo waliba aflagaado loogu daro.

Dhacdadan imminka taagan ee la xidhiidha dhulka qoyska Madaxweynaha, waxa ka horaysay dhacdadii kale ka dhacday Magaalada Berbera, iyadoo ay dad gaar ah sharci u samaysteen, kuna doodeen inay leeyihiin dhul uu lahaa Allaah ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ku yaal Berbera, dhulkaas oo uu dhaxal ku helay,   ka dib dadku aad ula yaabay oo la is weydiiyey, muddo ka dib arrinkii dhammaaday oo qoyskii Madaxweyne Cigaal ka tagay loo xukumay.

Haddaba, Cigaal isagu wuu dhintay oo isagoo dhintay ayaa dhulkiisii lagu murmaye, waxa iyadu dhacdo la mid ah noqotay arrinkan dhulka Ilma Biixi Cabdi ee waliba iyagii oo nool oo Madaxweynihii Muuse Biixi nool yahay in dhulkoodiii sharciyo been-abuur ah loo samaystay. Markaa waxaan u soo jeedin lahaa bulshada reer Somaliland in ay ixtiraamaan madaxdooda oo ay sharfaan, isla-markaana aanay budhcadnimo iyo boob ula iman hantida ay Madaxdeennu sida gaarka ah u leedahay.

 

Qore: Cabdalle Ismaaciil Yaasiin (Baallo)