Ururka Xisbullaah Oo Sheegtay Inuu Soo Riday Diyaarad Isreal Leedahay (Akhri)

Lubnaan (HCTV) – Dagaalyahannada Kooxda Xisbullaah ayaa gantaal la beegsaday diyaarad Drone ah oo ay leedahay Dawladda Isreal, iyagoo ku khasbay inay si deg-degga ah uga baxdo Hawada Dalka Lubnaan.

Sidaana waxa Khamiista Maanta sheegay Ururka Xisbullaah oo War ka soo saaray Weerarka ay la beegsadeen Diyaaradda Drone-ka ah ee Isreal leedahay.

Xisbullaah ayaa Warkan soo saaray, wax ka yar uun ka dib markii Millateriga Isreal sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah lala beegsaday Gantaal Lidka diyaaradaha ah, laakiin Gantaalkaasi aanu wax dhibaato ah gaadhsiinin Diyaaradda.

Weerarka diyaaradda ayaa kor u sii qaadaya xufgufta Isreal iyo Xisbullaah oo soo jirtay Tobannaan Sanadood, sida uu sheegayo Wargeyska The National oo ka soo baxa Dalka Imaaraadka Carabta, kaasi oo HCTV ka soo xigtay Warkan.

Galabnimadii Khamiista ayaa Milletariga Isreal waxay Boggooda Twitter-ka ku soo qoreen War qoraal ah oo kooban, kaasi oo ay ku yidhaahdeen “Wax yar ka hor, Gantaal Lidka diyaaradaha ah ayaa laga soo riday gudaha Xuduudka Lubnaan, kaasi oo ku waajahnaa Diyaarad Israel leedahay oo ah UAV, kuma dhicin diyaaradda UAV…” ayay sheegeen Millateriga Isreal, laakiin ma bixin faahfaahin intaa ka badan.

Wakaaladda Wararka ee Lubnaan ayaa iyaduna baahisay in Qarax laga maqlay deegaanka Nabatieh, Dad halkaa deggan oo Warbaahinta Maxaliga ah ee Lubnaan arrintan wax ka waydiisayna waxay sheegeen inay maqlayeen guuxa diyaaradda Isreal oo dushooda duulaysay.

Inkasta oo Millateriga Isreal sheegay in gantaalku aanu ku dhicin diyaaraddooda, haddana Telefiishanka Al Mayadeen TV oo Xisbullaah xidhiidh la leh ayaa sheegay in la soo riday diyaaradda Isreal ee Drone-ka ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka