India Oo Sheegtay Inay Gacan Qabanayso Ardayda Somaliland Ee Wax Ka Barta Dalkeeda

Nairobi, (HCTV) – Safiirka India u fadhiya dalka Kenya Asish Sinha ayaa sheegay in dalkiisu uu Somaliland kala shaqayn doono sidii kor loogu qaadi lahaa Ardayda Somaliland ka timid ee culuumta caafimaadka ka barta dalka India, isla markaana ay si gaar ah uga horumarinayaan dhinacyada xirfadaha daruuriga ah iyo inay gacan ka gaysan doonaan qalabaynta cusbitaalada Somaliland.

Wakiilka dalka India U Fadhiya Kenya ayaa sidaasi sheegay mar uu kulan Nairobi kula yeeshay Safiir ku xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Sharmake Gelle, waxaanu Safiirka India uu tilmaamay inay aad usoo dhaweyndoonaan Ardayda somailand ee waxbarashada caafimaadka iska diiwaangaliyey hay’addaha waxbarasho ee dalka India ku yaala inay kor u qaadi doonaan.

“Somaliland waxay u baahantahay khabiiro dhinaca caafimaadka ah, dalka Hindiya waxa uu diyaa u yahay inuu Somaliland kala shaqeeyo horumarinta qaybaha caafimaadka,” Safiirka India u fadhiya dalka Kenya Asish Sinha.

Sidoo kale labada ergay waxa ay ka wadahadleen sidii labada dal ay u yeelan lahaayeen xidhiidho dhinacyada ganacsiga iyo Waxbarashada la xidhiidha.

Dhinaca kale Sharmaake Geelle wakiil ku xigeenka Somaliland ee dalka Kenya ayaa sheegay in dalka Hindiya uu Somaliland wax badan ku soo kordhin karo, maadaama oo uu dhinacyo badan kaga horumarsan yahay Somaliland, isla markaana dad badan ay wakhti xaadirkan adeegyo caafimaad u doontaan dalka Hindiya.

Somaliland ayaa aqoonsi caalami ah ka raadinaysa beesha caalamka tan iyo intii ay dal madaxbanaan noqotay 1991. Majirto dawlad ilaa iyo hadda dawladd shisheeye, oo ay kujirto India, oo aqoonsatay madaxbanaanida Somaliland, laakiin inbadan ayaa si hufan u qiraya in Somaliland ka duwanyahay Soomaaliya.

Baasaaboorka Somaliland ayaa lagu tagaa dalalka Koonfur Afrika, Itoobiya, Jabuuti, Belgium, France, South Sudan, Kenya, iyo Imaaraadka Carabta.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.