IGAD: Duufaanta KYARR Oo La Filayo Inay Gaadho Puntland Iyo Somaliland

Addis Ababa, (HCTV) – Sida ay sheegayaan warbixinada ka imanaya qaybta la socodka saadaasha cimilada ee urur goboleedka IGAD ayaa sheegaya in duufaanta loogu magac daray KYARR ay ku sii kordhayso waqooyiga badda India Ocean-ka, taas oo la filayo inay afarta maalmood ama 5-ta maalmood ee soo socda ay gaadho xeebaha Puntland and Somaliland.

Waxaana meelahaasi suuragal ka ah inay saameeyaan roob yar oo dabaylo xoogle wata, sida ay sheegayaan saadaaluhu.

Sidoo kale maalintii shalay ayay ahayd markii hay’adda ka hortaga masiibooyinka Somaliland ay ka digtay duufaan ku soo wajahan xeebaha Somaliland iyo inay ka digtoonaadaan dadka degan xeebuhu.

Somaliland ayaa waxa hore ugu dhufatay duufaanta Sagar oo khasaare badan ka gaysatay Xeebaha Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.