Sucuudiga Oo Markii Koowaad Haweenka U Qabanaya Tartanka Lagdenka (Akhri)

Riyaadh (HCTV) – Dawladda boqortooyada Sucuudiga waxaa markii ugu horreysay lagu qabanayaa ciyaarata lag-denka Haweenka xilli dalka uu tallaabsaday is-beddelo ay ka mid yihiin inuu dabciyo sharciyadii adkaa ee ka dhanka ahaa masraxyada maddaallada.

Tartanka lag-denka wuxuu ka dhacayaa magaalada caasimadda ah ee Riyaadh.

Tartankan lag-denka ee markii koowaad lagu qabanayo Sucuudiga ayaa u dhexeeya Kooxaha Haweenka ah ee kala ah Stars Natalya iyo Lacey Evans.

Ma kala cadda in haweenka soo bandhigi doono lag-denku ay ku lebisan doonaan dhar xijaaban iyo in kale.

Tartankan taariikhiga ah wuxuu ka dhacayaa garoonka boqor Fahad ee ku yaalla Riyaadh.

Garoonka Tartanka Haweenku ka dhacayo ayaa qaada Dad gaadhaya 68,000 kun.

Tallaabadan ayaa noqon kartaa tallaabo furfurnaani ka muuqato oo uu qaaday dal had iyo jeer lagu dhaliilo halka uu ka taagan yahay xuquuqda haweenka.

Sucuudiga ayaa sanadihii u dambeeyay qaaday Xayiraaddii Haweenka ka saarnayd inay keligood Baabuurta kaxaystaan ama wataan, waxa kale oo uu fasaxay in Lamaaneyaasha Ajaanibka ahi ay wada geli karaan Qolalka Huteellada Sucuudiga, taasi oo la sheegay in looga dan leeyahay in lagu soo jiito Dal-xiiseyaasha reer Galbeedka.

Waxa kale oo Boqortooyada Sucuudigu fasaxday in Dadweynaha oo Haweenku ku jiraan ay Fagaareyaasha ku daawan karaan Tartamada Kubadda Cagta ee Tv-yada laga siidaayo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka