Madaxweyne Farmaajo Oo Socdaal Ugu Baxay Beledweyne

Beledweyne, (HCTV) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaadhaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ku dhufteen daadad lixaad leh oo ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle oo fatahay.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

Socdaalka madaxweynaha ayaa la xidhiidha xogogaal u noqoshada xaalada Banni’aadannimo ee ka taagan Beledweyne kaddib fatahaadii cusleyd ee ku dhufatay, waxaana la filayaa in uu booqdo deegaannada loo barakacay gaar ahaan deegaanka CeelJaale oo ay waqtigan deegaan ku ah Kumannaan qoysas ah oo ka barakacay Fatahaadda.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay dhaliilo culus oo loo jeedinayay madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya oo siyaasiyiinta qaarkood ku eedeeyeen in aysan uga jawaabin mashaqada ka dhacday magaalada Beledweyne sidii loo baahnaa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.