13 Qof Oo Ku dhintay Qarax ka Dhacay Xuduudka Suuriya Iyo Turkiga

Turkey (HCTV) – Ugu yaraan 13 Qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay Magaalo ku taalla Gudaha Suuriya isla-markaana kulaalaysa xuduudka Turkiga, waxaana jira dhaawacyo intaa ka badan.

Wasiirka Difaaca ee Turkiga ee ayaa sheegay in Magaalo ku taalla Xuduudka Turkiga, balse Gudaha Suuriya ah uu ka dhacay Qarax loo adeegsaday Gaadhi, Qaraxaasina sababay Geerida 13 Qof.

Qaraxa oo dhacay Sabtidii Shalay ayaa la dhacay Suuq aad u mashquul ah oo ku yaalla Magaalada Tal Abyad, taasi oo ay Maamulaan Jabhad uu taageero Turkigu.

“Marka loo eego Wararka Hor-dhaca ah, 13 Qof ayaa ku dhintay,  Dad lagu qiyaasay 20-na way ku dhaawacmeen..” ayuu yidhi, Wasiirka Difaaca ee Tukriga oo soo saaray Qoraal uu arrintan kaga hadlay.

Magaaladan oo ku taalla Waqooyi-bari Suuriya ayaa waxa ka dhacay Dagaalladii ugu qadhaadhaa tan iyo markii Turkigu uu bilaabay hawl-galkan uu Kurdiyiinta kaga sifaynayey aaggaasi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka