Qorshaha Dawladda Soomaaliya Ee Dhibaatada Webiga Shabeelle

Beledweyne (HCTV) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dawladdu ay la imanayso Qorshe wax lagaga qabanayo Fahataahadaha soo noqnoqda ee Webige Shabeelle.

Madaxweynaha oo Shalay gaadhay Magaalada Beledweyne oo Webiga Shabeelle qarqiyey, ka dib markii uu ku fatahay ayaa sheegay inay dawlad ahaan ka shaqaynayaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada uu Webigu ku hayo Magaalada Beledweyne iyo Magaalooyinka kale ee uu maro, kuwaasi oo sannad kasta ku fataho.

”Annaga oo kaashaneyna cid kasta oo ay khuseyso arrintan haddii ay ahaan lahaayeen dowladaha deriska iyo caalamka intaba waxaa ku dadaali doonaa sidii loo yareyn lahaa ama looga weecin lahaa magaalada..” ayuu yidhi, Madaxweynaha Soomaaliya oo Saxaafadda kula hadlay Beledweyne

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la dardar-geliyo howlaha gurmadka loo sameynayo dadka fatahaaddu saameysay oo ku dayacan daafaha magaalada Beledweyne, isagoo Mahad-celin u diray Dawlado gurmad soo gaadhsiiyey Dadka Fahataaddu saamaysay, Dawladahaasi oo Jabuuti ka mid tahay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka