Mozambique: 10 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Koox Islaamiyiin Ahi Fuliyeen

Mozambique (HCTV) – Inta la ogyahay 10 Qof ayaa lagu dilay Weerar Jid-goyn ah oo koox Islaamiyiin ahi ka geysteen Waqooyiga Fog ee Dalka Mozambique.

Rag hubaysan oo Islaamiyiin ah ayaa jid-goyn u galay Gaadhi weyn meel ku dhow Tuulada Mbau oo ku taalla Waqooyiga Gobolka Cabo Delgado, weerarka ayaa dhacay Jimcihii la soo dhaafay.

Gaadhiga la weerarray ee tobanka Qof u dhinteen ayaa jidka ku jiray oo Ciidda galay, laakiin Dadka Goob-joogeyaasha ah ee ku nool Tuulada Weerarku duleedkeeda ka dhacay ayaa sheegay in weerarka lagu dilay 10 Qof.

Warku wuxuu sheegayaa in wixii ka dambeeyay weerarkaa Dadku bilaabeen inay Tuulooyinkooda ka qaxaan, iyagoo ka cabsi qaba in Kooxda Dadka ku laysay Gaadhigu ay Guryahoodana soo weerarraan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka