Madaxweyne Biixi Oo Caydhiiyey Inta Badan Wakiilladii Somaliland Ee Dalalka Dibedda

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta xilkii ka qaaday qaar ka mid ah Wakiillada Somaliland ee Dalalka Dibedda, kuwo cusubna Magacaabay.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Wakiillada Somaliland ee dalalka Midowga Yurub, Uk iyo Dalal kale, waxa kale oo uu eryey Safiir ku-xigeeno badan, halka uu ka Magacaabay illaa 9 Wakiil oo cusub.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-378/112019 iyo JSL/XM/WM/222-379/112019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya  dalalka dibeda.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegtooyin Madaxweyne

XIL KA QAADIS

Ku:     Maxamuud Cabdi Dacar, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub

 Ku:    Ayaan Maxamuud Maxamed, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska

 Ku:    Sulub Warsame Xuseen, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway

 Ku:    Cabdalla Muuse Axmed, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya

 Ku:    Cali Maxamed Axmed, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Yaman

Og:    Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir,  Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal iyo Marwo, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilka Qaran.

MAGACAABID

Markaan Arkay:   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey:    Ahmiyadda Wakiillada Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay:     Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:  In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 Markaan Sameeyey:   La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

 In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

 

Tir Magaca Xilka
1. Cabdi Cabdillaahi Xirsi Maxamed Wakiilka Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska
2. Salaan Xasan Kayd Cabdille Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub
3. Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya
4. Maxamed Maxamuud Aadan Samatar Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway
5. Axmed Jaamac Xasan Shire Wakiilka Somaliland ee Dalka Koonfur Afrika
6. Mustafe Yuusuf Ismaaciil Cali Wakiilka Somaliland ee Dalka Jarmalka
7. Cali Axmed Cismaan Wakiilka Somaliland ee Dalka Sucuudi Carabiya
8. Axmed Cali Salaad Maxamed Wakiilka Somaliland ee Dalka Yaman
9. Barkhad Maxamuud Kaariye Samatar Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Itoobiya

 Waxaan uga mahad-celinayaa Wakiilladii hore ee Somaliland muddadii ay hayeen xilka Qaranka.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.