Akhri: Somaliland Oo Magacowday Guddiga Taakulaynta Shacabka Beledweyne

Hargeysa (HCTV) – Dawladda Somaliland ayaa Magacowday Guddi ka kooban 19 Xubnood oo Dalka gudihiisa ka ururrinaya qaadhaan la doonayo in loogu gurmado Dadka reer Beledweyne ee Webiga Shabeelle ku fatahay isla-markaana Hantidoodii iyo Guryahoodii baa’biiyey.

Guddigan oo uu Magacaabay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa loo sameeyay inay Ciddii ka qayb-qaadanaysa Gurmadka loo fidinayo ka qabtaan waxay bixinayaan, noqdaan Guddiga guud ee ururinaysa qaadhaanka.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim oo ku dhawaaqaya Guddigaasi ayaa sheegay oo yidhi “Waxaan Magacaabay Guddi dhexe oo ururisa qaadhaanka loo gurayo Beledweyne, maaddaama oo Maalmihii aynu soo dhaafnay Somaliland laga abaabulayey Qaadhaan ururin, gaar ahaan Burco, Laascaanood, Boorama. Si aynu qaadhaankaa u midayno Guddi dhexe oo lagu soo ururiyo ayaanu Magacownay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna nagu booriyey inaanu hawshaa galno, isaguna diyaar buu u yahay markaanu soo gebogabayno in Xukuumaddu si weyn oo Miisaan leh uga qayb-qaadato, sidaas ayaanuna ku ballansanahay.

  1. Jamaal Caydiid Ibraahim oo ka socda Rugta Ganacsiga JSL
  2. Kayse Shukri jaamac (Daryeel)
  3. Maxamed Axmed faarax (Food)
  4. Sheekh Ciise Maxamuud Cabdillaahi
  5. Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo ka socda Dahabshiil
  6. Sheekh Maxamed Cali Geeddi
  7. Sheekh Axmed Aadan Buuxsane
  8. Cabdiwahaab Maax Maxamuud oo Telesom Group ka socda
  9. Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali
  10. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed
  11. Xasan Axmed Xuseen (Xasan Bulbul) oo ka socda Sompower
  12. Suldaan Axmed Xasan Jaamac
  13. Cali Ibraahim Ciise (Cali Waraabe) oo ah Guddoomiyaha Waraabe Group.
  14. Sheekh Maxamed Aadan Cadhoole
  15. Farxaan Liibaan Axmed oo ah Shirkadda Liibaan
  16. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed
  17. Abwaan Yuusuf Shaacir
  18. Xamse Cumar Ku-joog
  19. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo Hass Petrolium ah..”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Webiga Shabeelle oo Beledweyne ka baro-kiciyey Dad gaadhaya illaa 300 kun oo Qof, xilligana ay jiraan Xanuuno badan oo ka dillaacay deegaanka Beledweyne, sidaasi darteed wuxuu Dadweynaha Somaliland ugu baaqay inay gurmadkaa ka qayb-qaataan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka