“Muuse Biixi Maaha Nin Qabiil Ku Dhaata Ama Qabiil Ku Faana..” Cabdiqaadir Jirde

London (HCTV) – Guddoomiyaha Ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo hadal ka jeediyey kulan lagu midaynayey Qurbe-joogta Somaliland ee UK ayaa sheegay in hadallada Qalafsan ee Xisbiyada isku tuur-tuuraan uu keenayo Tartanka siyaasiga ah, balse aanay jirin wax colaad ahi.

Mr. Jirde oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Siyaasad waanu isku haynaa Axsaabta, laakiin Colaadi ma jirto, Colaad Qof iyo colaad reer Toona Xaasha Kallaah. Waanu isku khilaafsanahay siyaasadda, waanu tartamaynaa, waanu naqdiyeynaa, laakiin yaan loo qaadanin in la coloobayo. Labaduba (Madaxweyne Biixi iyo Wasiir Maxamed Kaahin) markaan la kulmo midna fadhiga iguma salaamo ee Sare-joogga ayay igu salaamaan, waana Ixtiraam naga dhexeeya, aniguna sidaasi si leeg. Waa tartan siyaasadeed, tartan Qabiil maaha, yaan sidaa la idiinku dhigin, Ilaahay wuxuu innagu mannaystay Madax aan Muusa-naabin marka Culaysku ku yimaaddo.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu ka warramay Taariikho hore oo Jiilka Maanta nool muhiim u ah “Waxaan Xasuustaa Cabdiraxmaan Axmed Cali, inta guriga loogu dhacay ayaa Gaadhigiisii xoog loogula soo baxay, waan ka xumahay reerkayga ayay ahaayeen Nimanka la soo baxay, muu muusa-naabin, Tollaay muu odhanin, reerkiisuna Kaladhka nama qabsan, waxay yidhaahdeen waa Madaxweynihiisii oo idinka ayuun baa is ceebeeyay.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan Xasuustaa Hay’adda SOOYAAL ayaa Shir ku lahayd Hay’adda Shaqaalaha, Golaha Wakiillada ayaanu xilligaa ahayn, waxaanu ballan la lahayn Axmed Maxamed Siilaanyo oo Wasiirka Maaliyadda ahaa, markii uu Shirka ka soo baxay (Shirkii SOOYAAL) ayuu Nin Madaxa lagaga jiraa uu Madaxa Bastoolad kaga qabtay, wuu ku riday, way kadibtay, waan la soo hadlay oo waxaan ku idhi fasax baad naga tahay, waar waan shaqaynayaa ayuu yidhi oo wuu noo yimid, manuu muusa-naabin, manuu qaylin.”

Jirde wuxuu Qabyaaladda ka beri-yeelay Madaxweyne Biixi “Ninba siduu doono ha ku qaato, laakiin Muuse Biixi maaha Nin Qabiil ku dhaata, Nin Qabiil ku faanana maaha..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Shacabka ugu baaqay in aanay ka dheerayn Asxaabta “Idinku (Shacabka) ha naga dheeraynin ee na daba socda, Waayo? Aniga iyo Muuse oo wada qoslayna ayaan marmarka qaarkood arkaa qaar soo qoraya ‘Tolow ma Baastadii baa wax loogu daray’?, baasto waxba la isuguma daro ee Danta naga dhaxaysaa ka weyn wax walba..”

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka