Madaxweyne Deni, Miyuu u Awood Sheegtay Guddoomiye Dhoobo-darreed ?

Garoowe (HCTV) – Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyahoodii Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Darreed).

Kulanka Xildhibaannadu xilka kaga qaadeen Guddoomiye Dhoobbo-darreed waxa Shir-guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Abuukaate Cabdicasiis, waxaana ka soo xaadiray Mudaneyaal  Tiradooda tahay 53.

53 Xildhibaan oo loo akhriyey Mooshin Xil ka qaadiseed oo laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa 49 ka mid ahi ogolaadeen markii Codka gacan taagga ah loo qaaday, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan, sidaana waxa ku ansaxay xil ka qaadista Guddoomiyihii Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu eedeeyay in uu ku xad-gudbay dastuurka, isla-markaana xarunta baarlamaanka uu soo geliyay ciidamo beeleed, Ciidammadaasi oo ay isku dhaceen Ciidammada Booliska, isku dhacaas oo sababay Geerida 3 Qof, kuwaasi oo kala ah Qof Shacab ah iyo laba Nin oo Booliska iyo Maleeshiyo-beeleedka ah.

Mooshinka aakhirkii isku beddelay Xil ka qaadista ayaa waxa saxeexay 44 Xildhibaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Puntland.

Arrintan ayaa ka dambaysay khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Deni, ka dib markii Toddobaadkii hore Madaxweynaha laga gudbiyey Mooshin lagu doonayey in xilka lagaga qaado, taasi oo suurto-geli weyday, laakiin waxa la sheegay in Madaxweynaha oo ka jawaabaya isku-daygaa hore uu ka shaqeeyay in Xildhibaanno taabacsani diyaariyaan Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka, taasi oo hirgashay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka