30 Sano Xadhig Ah Oo Lagu Xukumay Nin Dambiyo Badan Ka Geystay Congo

Hague (HCTV) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee Magaceeda loo soo gaabiyo ICC ayaa 30 Sannadood oo Xadhig ah ku xukuntay qab-qable dagaal oo hoggaamin jiray Jabhad ka dhaqdhaqaaqi jirtay Dalka Congo, kaasi oo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo lid ku ah xuquuqda aadamaha.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ay ka mid yihiin Dil, Kufsi iyo Addoonsi Galmo.

Xukunkan oo dhacay Khamiista Maanta ayaa noqonaya xukunkii ugu dheeraa ee ay riddo Maxkamadda dambiyada Adduunka ee ICC, sida ay sheegayso Al-jazeera.

Mr. Bosco Ntaganda ayaa bishii July ee sannadkan lagu helay inuu falal Xasuuq oo kale ah ka geystay Dalka Macdanta Qaniga ku ah ee Congo, intii u dhaxaysay 2002-2003.

Guud ahaan, Waxa lagu helay 13 Dambi oo Dambiyo dagaal ah, 5 dambi oo lid ku ah xuquuqda aadamaha, waana Qofkii koowaad ee lagu helay inuu geystay Addoonsi Galmo.

Garsooreyaasha Maxkamadda ICC ayaa bishii September ee sannadkan, si gaar gaar ah u waraysatay Dhibbaneyaasha iyo Markhtaatiyada dambiyada loo haysto Mr. Bosco Ntaganda, waxayna Khamiista Maanta soo saartay xukunka ah 30 sannadood oo xadhig ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka