Mudaraaddo Lagu Cambaareeyay Puntland Oo Ka Dhacay Bariga Sanaag

Badhan (HCTV) – Waxa Maanta gelinkii hore Magaalada Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag ka dhacay Mudaharaad lagaga soo horjeedo xil ka qaadis Golaha Wakiillada Puntland ku sameeyay Guddoomiyahoodii, Mr. Dhoobo-darreed, ka dib markii khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Deni.

Mudaharaadkan oo bilaabmay markii Baarlamaanku uu xilka qaaday ayaa Shacabku ku muujiyeen siday uga horjeedaan Madaxweyne Deni oo ay ku eedeeyeen inuu ka baxay Heshiiskii Puntland lagu dhisay, maaddaama oo uu ka shaqeeyay in Baarlamaanku xil ka qaadaan Guddoomiye Dhoobo oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Bariga Gobolka Sanaag.

Dadka Mudaharaadka dhigay oo u badnaa dhallinyaro iyo haween ayaa gubay Calanka Puntland.

Dhinaca kale, Dadweynaha Mudaharaadka sameeyay ayaa waxay lulayeen Calanka Somaliland, iyagoo ku qaylinayey “Somaliland-baanu nahay oo aanu taageersanahay.”

Puntland iyo Somaliland ayaa ku muransan Maamulka Bariga Sanaag.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka