AKHRI: Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Oo Diiddan Xil Ka Qaadistiisa

Garoowe (HCTV) – Guddoomiyihii Baarlamaanka ee Maamul-gobolleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-darreed) oo Maanta ay Xilka ka qaadeen Xildhibaannada Golihiisu sheegay in Xil ka qaadistiisu aanay sharci ahayn.

Guddoomiye Dhoobo ayaa sheegay in Nidaamka loo maray Xil ka qaadistiisu aanay Sharci ahayn, maaddaama buu yidhi aan loo marin Xeer-hoosaadka u yaalla Golaha Wakiillada Puntland.

“Waxaanu leenahay nidaam iyo hannaan, waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo” ayuu yidhi, Dhoobo-darreed oo Maanta la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, waxaanu intaa ku daray “Anigu sifo sharci ah baan ku imid, sifo sharci ahna waan ku tagayaa”

Xil ka qaadista Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxa u codeeyay 49 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka