Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada Ethiopia Oo Noqday Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD

Addis Ababa, (HCTV) – Urur goboleedka IGAD ayaa yeeshay Xoghaye Cusub kadib markii xoghayihii hore ee urur goboleedkaasi uu xilkii ku Wareejiyey.

Amb. Mahboub Maalim ayaa xilkaasi ku wareejiyey Wasiirkii hore ee Arimaha dibada dalka Ethiopia Dr Workneh Gebeyehu. Waxaanay arintani timid kadib markii Golaha Urur Goboleedka IGAD iyo madaxda dawladdaha xubnaha ka ahi ay kulan isugu yimaadeen, kaas oo lagu magacaabay in Dr Workneh Gebeyehu inuu noqday Xoghayaha fulinta ee urur goboleedkaasi.

Waxaana kulankaasi oo ahaa mid ay dalalkaasi ku bahoobay urur Goboleedka IGAD oo Addis Ababa ka dhacay 22 October shir gudoominayey Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed Ali.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.