Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Oo Sheegay Inaan Loo Sinnayn Xisbiyada Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi Dheere) ayaa sheegay inaan loo sinayn Xisbiyada Somaliland, sidaasi darteedna wuxuu ugu baaqay Xubnaha reer Awdal ee ku jira Xisbiyadu inay isaga baxaan.

Cabdillaahi-dheere oo hadal jeediyey Jimcihii Shalay ayaa sheegay in Saddexda Xisbi ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE ay leeyihiin Saddex Beelood, sidaasi darteedna aanay fursadi uga banaanayn Beelaha kale.

Cabdillaahi-dheere oo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Xisbiyada (Somaliland) waxa qaybsada Saddex reer ee Xaggaynu innagu ka soo galnaa ?, laba waa Garxajis, midna Habar Awal baa haysata hadda, xaggay beelaha kale ka soo galayaan, Annagu maba jirto ayaanu leenahay wax Xisbi la yidhaahdaaba. Nin kasta oo Gadabuursi ah oo ku jira ka baxbaan leeyahay, Waayo? Axsaab maaha, Axsaabtu waa tii isagu timaadda Fikir Siyaasi ah..”

Siyaasigu waxa kale oo uu sheegay “Waxaynu gaadhi lahayn in Nin reer Hargeysa ah aynu Boorama ka sharraxno mustaqbalka, maxaynu isku daalinaynaa haddaynu Qabyaaladdii dib ugu noqonayno, maynu odayaasha shaqadooda u dayno, taasaa ayaynaan isku layneyne…” ayuu yidhi.

Cabdillaahi-dheere ayaa tan iyo markii laga qaaday xilka Wasaaradda Waxbarashada wuxuu Warbaahinta mariyaa hadallo aad u qalafsan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka