IRAN Oo Soo Ridday Diyaarad Iyo Wararkii U Dambeeyay (Akhri)

Iran (HCTV) – Ciidammada Difaaca Cirka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa sheegay inay Khamiistii soo rideen diyaarad Drone ah oo aan weli la aqoonsan Dalka laga leeyahay.

Sidaana waxa Jimcihii soo werisay Wakaaladda Wararka ee IRNA oo soo xiganaysa Saraakiisha Ciidammada Cirka ee IRAN.

Wakaaladdu waxay sheegtay in Ciidammada Cirka ee IRAN ay toogteen diyaaradda oo Subaxdii hore dul duulaysay deegaanka Mahshahr oo ka mid ah Gobolka Saliidda Qaniga ku ah Khuzestan, halkaasi oo dabcan ay dekedna ku taallo.

Warku ma kala caddaynin in diyaaraddu ahayd mid Millateri iyo inay ahayd diyaarad Rayid ah, laakiin Badhasaabka Gobolka diyaaraddu dul-maraysey oo Magaciisu yahay Gholamreza Shariati ayaa Wakaaladda IRNA u sheegay in diyaaradda la soo riday uu leeyahay dal shisheeye, waxaana la soo bandhigay qaybo ka mid ah diyaaradda la soo riday.

Badhasaabku wuxuu intaa sii raaciyey in diyaaradda la soo riday ku soo xad-gudubtay Hawada Jamhuuriyadda IRAN.

Waa diyaaraddii labaad ee IRAN soo ridday labadii bilood ee u dambeeyay, muddadaasi oo uu sii xoogaystay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Sucuudiga oo dhinac ah iyo IRAN oo dhinaca kale ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka