Siyaasi Reer Somaliland Ah Oo Fal Fool Xun Ku Sheegay Xil Ka Qaadistii Guddoomiyaha Wakiillada Puntland

Hargeysa (HCTV) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ka hadlay Xil ka qaadista Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Puntland Mr. Dhoobo-darreed.

49 Xildhibaan oo la sheegay inay Madaxweynaha Puntland taageersan yihiin ayaa cod Gacan-taag ah xilka kaga qaaday Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Khamiistii la soo dhaafay, ka dib markii uu khilaaf adag soo kala dhex galay Madaxweynaha.

Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka mid ah Siyaasiyiinta ay isku deegaanka yihiin Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Wakiillada Puntland ayaa sheegay in xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiye Dhoobo ay tahay isku awood sheegasho, taasina muujinayso inaan Madaxweyne Deni aanu dimuqraadiyadda waxba ka aqoonin.

Cadami oo Maanta Telefiishanka Sahan kula hadlay Hargeysa ayaa ugu horrayn ku taliyey in Maamulka Puntland ay khilaafka ka taagan Xil ka qaadista Guddoomiyaha Baarlamaanka caqliga loo isticmaalo

“Dawladda uu ka tirsan yahay Caqliga ha isticmaasho, farsamadaasi (Xil ka qaadista Guddoomiyaha Wakiillada Puntland) waxay xoojinaysaa Qabyaaladdii oo ka soo baxaysa Aakhiradii ay ku jirtay, waana xoog sheegasho, laakiin Nina keligii xoog malaha, Qofka Magaciisuna wuu ceeboobayaa, waayo? waa qof aan Dimuqraadiyaddaba garanayn, Ninku hadduu wuxuu doono samaynayo, qofkuu doono xidhaya ee kuu doono u ducaynaya, waa wax isaga u taalla, laakiin waxaanu leenahay waa Fal xun..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka