Xoghayaha Waddani Oo Hadal Ka Jeediyey Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo maanta hadal ka jeediyey xuska maalinta Saxaafada Somaliland iyo Abaalmarinta Cawke Media Award ayaa sheegay in Saxaafada Somaliland ay caqabad weyni ka haysato helida warka oo ay xaq u leeyihiin iyo dhinacyada warku ku jiro ay adkaato in war laga helo.

Xoghayaha Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi waxa uu tilmaamay in doorka saxaafadu uu asliyan ku soo ururo laba arimood oo kala ah in dadka ay xogsiiso saxaafadu walow ay dhibaato kala kulmaan wariyeyaasha Somaliland.

Sidoo kale Xoghayaha xisbiga Waddani waxa uu carabka ku dhuftay sharciga saxaafada ee wakhti xaadirkan wax ka badalkiisa gacanka lagu hayo, kaas oo uu tilmaamay in lagu doonayo in lagu xadido doodaha siyaasiga ah (public debates), oo uu tilmaamay in saxaafadu ay hormood u tahay qabashada doodahaasi, sida uu xoghayaha Waddani uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo isaguna xuska maalinta Saxaafada  Somaliland ka hadlay ayaa tilmaamay in xeerka saxaafada Somaliland ee waxka badaka agu wado aanu noqon doonin mid wax lagu yeelo madaxbanaanida saxaafada.

Xuska maalinta Saxaafada Somaliland oo sanadkasta la qabto marka la gaadho 9-ka bisha November ayaa sidoo kale la bixiyaa abaalmarinta Awke Media Award oo la siyaa Suxufiyiin ku guulaysta tartan warbixino lagaga qaybqaato oo la siyaasii Suxufiyiinta ugu warbixinada wanaagsan ee ka diyaariya arimaha bulshada wax ku soo kordhinaya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.