Turkiga Oo Mastaafuriyay Xubno Argagixiso Ah Oo Ka Soo Jeeda Maraykanka Iyo Jarmalka

Ankara, (HCTV) – Dalka Turkiga ayaa sheegay inay mastaafurisay xubin ka tirsan dagaalyahanada ururka Daacish oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Maraykanka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Turkiga, kuwaas oo tilmaamay in Ankara ay dib dhulkoodii ugu celinayso dagaalyahano la qabtay oo ka tirsan kooxaha hubaysan.

War ay daabacday wakaaada wararka ee dawlada Turkiga ee Anadolu  ayaa sheegtay iyada oo soo xiganaysa Ismail Catakli oo ah Afhayeenka Wasaarada Arimaha Gudaha in 14-ka bishan sidoo kale dib loogu celin doono dalkoodii todoba dagaalyahan oo u dhashay dalka Jarmalka.

Hase yeeshee Afhayeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Turkiga Mr Catakli ayaan bixin macluumaad intaasi ka faahfaahsan oo ku saabsan xubnahaasi looga shakisan yahay inay ka tirsanaayeen kooxda la baxday dawladda Islaamka.

“Dagaalyahano Argagixoso Ajaanib ah oo ka yimid Maraykanka ayaa laga mastaafuriyey Turkiga,” ayuu u sheegay warbaahinta, waxaanu intaasi ku daray in todoba dagaalyahan oo argagixiso anjabi ah asal ahaana ka soo jeeda dalka Jarmaka ay ku jiraan xarun lagu hayo dadka la tarxiilayo, kuwaas oo dalkoodii lagu celin doono 14-ka bishan marka arintooda la dhameeyo,” ayuu intaasi ku daray AFhayeenku.

Hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jirto wax hadal ah oo ku saabsan mastaafurinta dagaalyahanadan oo ka soo baxay dalalka Maraykanka iyo Jarmalka.

Bishii October 9-keedii ayay ahayd markii Turkigu uu hawlgal milatari uu ka fuliyey xadka dalkiisu la wadaago Suuriya, Waxaanay dawladda Ankara ay tilmaantay in ujeedada hawlgalkaasi ay ahayd sidii meesha looga saari lahaa dagaalyahanada Kurdishka ah oo ay u aqoonsan tahay Argagixiso iyo in dhulkaasi laga dhigo goob amaan ah oo qoxoontiga dagaalada Suuriya ka soo cararay la dajiyo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.