Somaliland: W/Waxbarashada Oo Daahfurtay Shirka Dib U Eegista Siyaasada Waxbarashada

Hargeysa, (HCTV ) –Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa maanta daahfurtay shir dib u eegista waxbarashada qaranka, kaasi oo lagu lafa gureyo heerarka kala duwan ee waxbarashada Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shirkan furey, waxaana ka soo qaybgallay Wasaaradaha Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, wasaarada shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshada iyo qaar kamida Hay’addaha Caalamiga ah, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada.

“ Waxaa maanta runtii farxad weyn ii ah inaan ka Soo qeyb galo Barnaamijka Dibu-eegista Wasaaradda Waxbarashada ee sannad walba dib loogu eego halkay marayso Tacliinta runtii oo laf-dhabar u ah ummadd kasta oo jirta, aad iyo aad baan runtii ugu mahadnaqayaa wasaaradda waxbarashada hawsha balaadhan ee ay qaranka u hayso”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay inay waxbarashadu ku haboon tahay in baalaha laga wadda joogo waxaana uu yidhi markale “Waxaan halkan aad iyo aad uga hambalyeynayaa gobolada runtii waxbarashadoodu kor usoo kacday, waxaa kamida waxyaabaha waxbarashadu kor ugu soo kacdo, Dawladd na keligeed waxba ma qaban karto, wasaaradna keligeed waxba ma qaban karto , Macalina keligii waxba ma qaban karo haddaanu waalidku dhiniciisa kala soconin waxbarashadii”

Sidoo kale, wasaarada waxbarashada ayaa sheegtay in dib loo qiimeyn doonno jaamacadaha dalka,isla markaana kala hufi doono si waxbarashada heerarkeeda kala duwan iskula jaanqaadaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.