AKHRI: Dhalinyaro Ganafka Ku Dhuftay Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiir M. Kaahin

Hargeysa, (HCTV) – Xubno dhalinyaro reer Somaliland ah ayaa ganafka ku dhuftay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo sheegay intii xukuumaddan uu ka tirsan yahay ay joogtay in qof aragtidiisa cabiray xabsi gaynin, isla markaana aanay maxkamad horgaynin.

Hadalkan ka soo yeedhay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland xili uu hadal ka jeedinayey munaasibad uu xilka kula wareegayey Taliyaha cusub ee Ciidanka Bileyska Somaliland, ayaa waxa ka jawaabay oo hadalkaasi been ku tilmaamay dhalinyaro sheegay in iyaga aragtidooda oo ay facebook ku qoreen lagu xidhay.

Gudoomiyaha Garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhame oo horaantii sanadkan qoraal uu bartiisa Facebook-ga uu ku qoray xabsiga la dhigay isla markaana xukun lix bilood ah lagu riday iyo dhalinyaro kale oo iyagana loo xidhxidhay aragtidooda oo ay cabireen ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa kaga hadlay arintaasi.

Ugu horayna gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Maxamed Sidiiq Dhame oo arintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Isagoo Maxamed Kaahin shalay baanaaya, oo reer Somaliland ka hor hadlayaa waxa uu yidhi ‘xukuumada Muuse Biixi ee aan Wasiirka ka ahi inta ay jirtay, waligeed may u xidhin qof ra’yigiisa, facebook-na kumay xidhin’ taasi waa been cadd, marag furkeediina waakuwan i-agfadhiya, Maxamed Dhimbiil ayaa ugu dambeeyey qof aragtidiisa oo uu Facebook ku qoray loo xidhay, Maxamed Bigeeyana sideed bilood ayaa inta uu xukun ku dhacay ayuu u xidhnaa aragtidiisa oo waliba afar xaraf ah, Ana (Maxamed Sidiiq Dhame ahaan) afar bilood ayaan u xidhnaa, Coldoon waaka xabsiga Madheera ugu jira, Afhayeenkii Wasaarada Arimaha Gudaha ee Maxamad Kaahin Afhayeenka u ahaa ee Jamaal-na saddex bilood ayuu xabsiga dhexe ku jiray isagoo ku xidhnaa facebook-ga statement yar oo uu ku qoray,” ayuu yidhi Maxamed Sidiiq Dhame, waxaanu intaasi ku daray “Horta waxa aanu leenahay Wasiirka, malaha wuu jeclaan lahaa inuu sidaa ugu faano haday jiri lahayd laakiin ma jirto oo waa beenaale…” ayuu yidhi Gudoomiyaha Garabka dhalinyarada xisbiga Waddani oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa isaga iyo dhalinyaro kale oo loo xidhay fikirkooda oo ay ku qoreen barta Facebook-ga, kana jawaabayey hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ee uu sheegay in xukuumada uu ka tirsan yahay aanay waligeed dhalinyaro u xidhin facebook ay wax ku qoreen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.