Israel Oo Weerar Ku Dishay Hogaamiyihii Kooxda Islamic Jihad

Gaza, (HCTV) – Ciidamada Israel ayaa dilay hogaamiyihii ugu sareeyey kooxda Islamic Jihaad ee Falastiiniyiinta kadib markii ay weerar dhinaca cirka ah ay ku qaadeen gurigiisa oo ku yaala magaalada Gaza.

Kooxdan Falastiiniyiinta ah ayaa war saxaafadeed ay soo saareen maanta oo Salaasa ah waxa ay ku xaqiijiyey dhimashada hogaamiyahaasi kadib markii Israel ay shaacisay inay duqayn ku dishay hogaamiyaha kooxda Islamic Jihaad, Bahaa Abu al-Ata, oo da’diisu tahay 42 jir.

Waxyar ka dib markii uu soo baxay dilka hogaamiyaha kooxdaasi ayaa gantaalo laga soo riday Gaza waxa lagu ganay Israel.

Sidoo kale kooxda Islamic Jidaahd waxa ay sheegay in weerar lagu qaaday guriga Akram al-Ajouri, oo ka mid ah saraakiisha kooxda oo ku yaala caasimada Suuriya halkaana lagu dilay wiil uu dhalay al-Ajouri iyo qof kale.

Weerarka Israel ay ku qaaday Gaza ee lagu dilay hogaamiyaha kooxda Islamic Jihaad ayaa sidoo kale waxa ku dhaawacmay saddex qof oo kale.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.