Deg-deg: Dagaal ka Socda Albaabka Laga Galo Magaalada Boosaaso

Boosaaso (HCTV) – Iska Hor imaad la isku adeegsaday Hub Culus ayaa goor dhawayd ka Bilaabmay koontaroolka gala galo Magaalada Boosaaso marka laga yimaaddo dhinaca Garoowe.

Taliyaha Ciidanka Puntland ee ku sugan kaantaroolka, ayaa u xaqiijiyay Weriye ka tirsan HCTV, in uu dagaal ka socdo goobtaasi.

Isku dhaca ayaa u dhexeeya Askar daacad u ah shirkad lagu Magacaabo PDG iyo ciidanka Maamul-gobolleedka Puntland.

Ciidamada shirkadda PDG ayaa xidhay jidka garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

La Soco Wixii Warkan ka soo kordha

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka