Elms School Oo Somaliland Ku Daray Khariirada Aduunka

Kuala Lumpur, (HCTV) – Elms School, oo ah dugsi caalami ah oo gaar loo leeyahay oo ku yaala caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa todobaadkan ka mid noqday dugsiyada ugu wanaagnsan aduunka ee bixiya nidaamka waxbarasho ee Ingiriiska.

Iskuulkan ayaa lagu casuumay Shir caalami ah oo ka dhacay Kuala Lumpur Malaysia 13-14 bishan November oo ku saabsan Adeegga Aqoonsiga ee Iskuulada Caalamiga, Colleges-ka iyo Jaamacadaha {ASIC}, kaas oo lagu abaalmarin doono inay ka mid yihiin iskuulada ugu wanaagsan. Elms School, ayaa ah Dugsigii ugu horreeyay ee caalami ah ee ku yaal caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Dugsiga Elms ayaa loo tixgaliyey inuu la mid yahay dugsiyada caalamiga ah ee gaarka loo leeyahay marka la eego tayada iyo heerka waxbarasho ee uu bixiyo. Waxaana la aasaasay bishii April 2007, waxaana dugsiga wax ka barta in kabadan laba kun oo arday.

Iskuulkan ayaa leh shahaado ogolaansho waxbarasho tayo leh, waxaana qiraya Adeegga Aqoonsiga Ingiriiska ee Colleges-ka iyo iskuulada Caalamiga ah (ASIC) waxaana la cadeeyay inay bixiyaan nidaamka waxbarasho ee caalamiga ah ee Ingiriiska.

Dugsigu waxa kale oo uu bixiyaa nidaamka Kenya ee 8-4-4, kaas oo si tartiib ah looga baxayo laguna baddalayo Manhaj ku saleysan kartida ardayga, kaas oo noqonaya dugsigii ugu horeeyey ee laga hirgaliyay Somaliland.

Dugsigan Elms School ayaa sidoo kale waxa uu leeyahay barbaarinta caruurta ee loo yaqaan KG, dugsiga hoose/dhexe iyo dugsi sare. Waxaana qaybahan lagu fidiyey guud ahaanba magaaladan fidaysa ee Hargeysa.

“Sharaf weyn ayey ii tahay in aan joogo shirka ASIC. Waxa cadd inaanu carruurtayada siineyno waxbarashada ugu wanaagsan, ”ayuu yidhi Benson Samia, oo ah maamulaha dugsiga. In ka badan 70 Kenyan ah ayaa ka shaqeeya Dugsigan oo macalimiin ka ah.

“Macallimiinta Kenya waxay na siiyeen waxbarasho tayo leh labadaba 8-4-4 nidaamka iyo hanaanka caalamiga ah. Waxa kale oo aanu leenahay macallimiin aannu ka qoranay oo u dhashay Somaliland. Waa xarun dhaqammo kala duwan leh,” ayuu  intaa raaciyey Benson Samia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.