Sheekh Saleebaan Oo Sheegay In C.I.D-da Looga Yeedhay

Hargeysa, (HCTV) – Sheekh Saleebaan Siciid Cali, Agaasimihii hore ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadii Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in looga yeedhay xarunta dambi-baadhista Somaliland ee C.I.D-da.

Sidoo kale Agaasimihii hore ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa sheegay inuu ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, isla markaana loo magacaabay gudoomiyaha xisbiga Waddani ee gobolka Saaxil.

“Xarumaha dawladda waa la iskaga yeedhi karaa oo waa la is-waraysan karaa, walina maan gaadhin, markaa insha allaahu marka aan gaadho,” ayuu yidhi Sheekh Saleebaan.

Balse mar la waydiiyey in yeedhmada looga yeedhay xarunta dambi baadhistu inay la xidhiidho shir-jaraa’id oo uu maalintii shalay ku qabtay Berbera, oo uu eedo ugu jeediyey xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa uu yidhi “Wali ismaanaan arag, mana doonayo inaan ka hordhaco waanan eegi doonaa, balse arintaasi waxaan u malaynayaa inay ahayd arin sharcigu ii baneeyey oo rayigayga ah oo xoriyatul qawlka ah, oo aragtidayda iyo waxaan aaminsanahay ah, taana waxa isiinaya distoorkeena inaan ka hadlo, markaa taa uma arko inay khusayso. Markaa wixii ay khusayso markaan u tago ayuunbaan eegi doonaa insha allaahu.” Ayuu yidhi Agaasimihii hore ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.